Muqdisho.(SONNA)…Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ay la socden qaar ka mid ah guddoomiye ku xigeenada ayaa howla kormeer ah ku tagay xarunta wacyigalinta cudurka ย Covid-19 ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa warbixin ka dhageystay howl-wadeenada xarunta waxaana ay sheegeen in xaruntaa ay shaqeyso 24-saacood oo ah habeen iyo maalin iyagoo shaqaalaha loo kala qeybiyay howlahooda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada howlaha nab=f badbaadinta leh oo loogu hortagayo faafintaan cudurkaan safmareenka ee Covid-19 waxaana uu kula dar daarmay inay sii labo jibaaraan howshaan ay u hayaan shacabkooda Soomaaliyeed.
โWaxaan shacab weynaha caasimada aan ugu baaqay markale in raacaan talooyinka caafimaadka ee logu xakameynayo xanuunkaan dhibaatada baโan ku haayo caalamka ee Karoona Soomaaliyana ay ka mid noqotay wadamada uu saameeyay โayuu yiri guddoomiye cumar Filish.