Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xigeenkii golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuumku.