Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Qeybtisa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha guud Aqalka Sare iyo Xoghaye ku xigeenka Golaha Shacabka BJFS.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay Midnimada, Maamul Wanaagga, Maalgelinta, Horumarinta, Isbedelka Cimilada, Dimoqraadiyadda Qodobo kale.
Shirirkaan isdaba jooga ah oo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeybgalayo dalka Angola waxa uu socon doonaa 27/10/2023, waxaana lafilayaa in uu qudbad ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha gabgabada Shirka 147-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.