Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada, hay’addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka tirsan QM.
Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qaabbilsan arrimaha samafalka ayaa waxay dalbadeen lacag dhan $ 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay aad u waxyeelleeyeen fatahaado ka dhashay roobabkii Elnino, kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.