Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in doomihii ay u direen gobolka Gedo ay wax badan ka tareen badbaadinta shacabka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.
Guddoomiyaha oo ka mi ah wafdi uu hoggaaminayay Raโiisulwasaraha XFS oo booqasho ku tagay Degmada Doolow ayaa intaa raaciyay in dhibaatada ugu daran ay tahay isu socodka dadka iyo badeecadaha maaddaama ay biyaha kala xireen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Dooloow ay ahaayeen goobaha ugu daran gobolka Gedo ee ay xoogga saareen, wuxuuna intaa raaciyay in ay degmooyinka kale ee gobolka ay gaarsiin doonaa doomo.
Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambayn guud ahaan hay’adaha samafalka ka codsaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.