Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasi oo muhiimad gaara u leh xoojinta wada shaqeynta hayโadaha Garsoorka dalka.
Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Suleyman Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Mudane Siciid Cali Maxamed iyo ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garsoore Shuceyb Macalin Adan.
Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka wada shaqeynta ee Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha, caqabadaha shaqada ka jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caddaalada. Waxaa sidoo kale la isla gartay in loo baahan yahay in la mideeyo dadaalka lagu xaqiijinayo caddaalad hufan oo shacabka loogu adeeggo.
Gebagebadii, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud waxay ku booriyeen dhammaan ka qeybgalayaasha in la dardar geliyo shaqada, lana hagaajiyo xiriirka shaqo ee labada xafiis si loo xaqiijiyo guusha howlaha cadaaladda Iyo adeegayo Loo hayo bulshada Soomaaliyeed.