Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta daahfuray shirka Madasha saddexaad ee Garsooreyaasha (Judges Forum) kaas oo socon doona muddo laba casho ah.
Madashan, ayaa ah madal ay Garsooreyaashu ku wadaagaan xaaladda garsoorka, xogta iyo waayo-aragnimada iyadoo ujeedku yahay xoojinta madaxbannaanida garsoorka iyo hagaajinta adeegyadda caddaaladeed ee garsoorku u xilsaaran yahay.
Sidoo kale, waxa looga hadlayaa caqabadaha jira iyadoo lagu soo jeediyo talooyin looga gudbi karo.