Muqdisho (SONNA) Khamiis, May 28, 2020 —-Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyay maanta oo ka howl gelaya maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamadda gobalka iyo maxkamadda racfaanka gobalka.
Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay dhammeystirka dadaalladii waqtiga dheer soo socoday ee hagaajinta garoorka iyo guddiyadii kala duwanaa ee imtixaanaadka ku kala saaray ku dhawaad 2000 oo qof oo soo codsaday shaqooyin la xayeysiisay oo kala ahaa garsoorayaal iyo kaaliyaal maxkamadeed.
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in hadafka ugu weyn uu ahaa helitaanka Garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, karti leh, sumcad leh, ku shaqeeya mabaa’diida shareecada islaamka, dastuurka iyo qawaaniinta dalka oo dhowra xaquuqda aadanaha iyo xaquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed, si taas loo helana ay lagama maarmaan aheyd in iridda garsoorka laga soo galayo ay noqoto caddaalad, daah furan, kana madax bannaan eex, qaraabo kiil iyo qabyaalad.
Garsoorayaasha maanta la dhaariyay oo kamid ah 40 garsoore oo tartankaas adag kusoo baxay, ayuu guddoomiyuhu kula dardaamay inay dadka ula dhaqmaan siddii ay jeclaayeen in loola dhaqmo xilligii ay imtixaanka u gelayeen shaqada, kana shaqeeyaan Soo celinta sharafta iyo karaamada garsoorka oo dib u yagleelaan garsoor loo simanyahay oo ay dadka ugu shaqeeyaan sida caddaalad ah ee iyagu ku yimaadeen, si garsoorku u noqdo Xudunta muraayadda dowladnimada
Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed waxuu xasuusiyay garsoorayaasha cusub inaan loo dul qaadan doonin Musuq uuna jiri doono Isla xisaabtan lagana doonayo inay hoggaan u noqdaan, Waxuuna u ballan qaaday inay sare loo qaadayo aqoontooda oo la siinayo tababarro dheeraad ah.