Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane, Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Qorsheynta XFS Mudane, Cabdiraxhman Beene Beene.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa la-tashi ay Wasaaradda Qorsheyntu Garsoorka iyo Bahda Cadaaladda kala samaynaysay qaab dhismeedka sida loo maamulayo deeqaha caalamiga ah.
Kulanka, ayaa sidoo kale, waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane, Xasan Macallin, guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana la isla gartay sidii door muhiim ah ay uga qaadan labaayeen arrimaha deeqaha.