Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta Muqdisho ka furay shir soconaya muddo laba cisho ah oo looga tashanayo wejiga labaad ee barnaamiika wadaaga ah ee caddaaladda, iyadoo diradda la saarayo baahiyaha iyo arrimaha hortebinta u leh Garsoorka dalka.
Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaasha guud ee dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya iyo gobalka Banaadir, ayaa waxaa kale oo loogga hadlayaa doorka haweenka ee Garsoorka iyo hirgelinta hannaanka federaalaynta Garsoorka ee dalka.