Muqdisho-(SONNA)-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa maanta furay wajiga saddaxaad ee tababar la siinayo macalimiinta Garsoorka Dalka, kaasi oo ay ka qeybgaleen garsoorayaasha Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed iyo sido kale Xeer ilaliyayaasha oo ka kala yimid dhamaan dowlad goboleedyada iyo dowladda Dhaxe ee dalka.
Tababarkaan oo socon doono muddo 10 maalin ah ayaa waxaa lagu baranayaa hannaanka dhageysiga Maxkamadaha, qaadidda Qiraalka iyo Maamulka Macalmiinta, waxaana bixinayay macalimiin ku sugan dalka New-Zealand ayada oo la adeegsanayo aaaladda Fogaan Aragga,
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay ujeedka tababarkan uu yahay sidii loo horumarin lahaa garsoorka Dalka, isla markaana loo gaarsiin lahaa isku filnaansho.
Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Dalka ayaa kula dardaarmay dadka tababarka la siinayo in ay ka faaโiideystaan casharada la siinayo si ay uga mid noqdaan macalmiinta tababarka ka bixin doono Machadka.
Tababarkaan aya waxa uu qeyb ka yahay tababaro dhowr ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda dadka ka shaqeeya Garsoorka dalka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg Garsoor oo hufan.