Muqdisho:(SONA)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa tababar u furay garsoorayaal dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku biiray Garsoorka Gobalka Banaadir, waxaana la barayaa hannaanka ay shaqada tahay iyo sharuucda looga baahanyahay.
Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare ee Dalka oo furitaankiisa hadal kooban uu ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday oo ay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshadooda.
โWaxa la rabaa 100% in uu noqdo Garsoorku meel hufan oo ka caagan musuq, qabyaalad, eex iyo saaxiibtinimo dhamaanteen taas baa la inaga rabaa, dalka Soomaaliya waxaa lagu suntay kal hore inaan Musuq maasuqa kaga jirno kaalinta koowaad sida ay adduunka qabaan, meesha kaliya aan musuq maasuqa kala dagaalami karno waxa ay tahay Garsoorka, waxaynu rabnaa inaan noqono meesha koowaad ee ka caagan musuqaโ ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka.
Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka jeediyay Tababarka loo furay Guddoomiyaha ayaa garsoorayayaasha u sheegay in looga baahanyahay inay noqdaan tusaalaha koowaad ee la dagaallanka musuq maasuqa.