Muqdisho (SONNA)-Shirkaan Madasha Garsooreyaasha oo labo cesho uga socday magaalada Muqdisho ayaa looga doodayay sidii lagu horumarin lahaa adeegga fullinta dacwadaha iyo Garsoorka Maxkamadaha Gobalka Banaadir.
Madashan oo ay ka qeyb galeen garsooreyaasha maxkamadaha ku yaala Degmooyinka Gobalka Banaadir, howlwadeennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa labadii maalmood ay socotay waxay garsoorayaasha isku weydaarsadeen warbixinno iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta, iyagoo falanqeeyay Garsoorka iyo cadaalad sameynta
Munaasabadda xiritaanka oo ay hadallo ka jeediyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Tan Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa ugu horeyn waxaa hadalka qaatay
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdiqaadar Maxamed Xasan ayaa ku baaqay in Madasha Garsoorka lagu soo daro Maxkamadaha Dowlad Gobaleedyada Dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Maxamed Axmed Cismaan Baari ayaa tilmaamay in madashu ay ahayd mid si weyn laga wada faa’iideystay, ayna noqon doonto mid la joogteynayo kulamada nuucaani oo kale ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray shirka ayaa sheegay in tallooyinka laga soo jeediyay kulanka Madasha Garsoorayaasha la dhaqangelin doono.
“Waxaa si nabad ah maanta u soo dhamaaday Madasha Cilmi-baarista Garsooreyasha, madashaasi oo noqon doonta madal Saddex bile ah oo lagu lafa guri doono Xeerarka dalka, Caqabadaha iyo Horumarka Garsoorka, waxaana lagu soo bandhigay wax badan oo wax ka badali doona shaqada Garsoorka Dalka, waana qaadan doonaa dhamaan tallooyinkaas”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.