BARAAWE-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya wafti ballaaran oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo madax ka tirsan SoDMA ayaa gaaray magaalada Baraawe, halkaasoo uu ka dillaacay xanuunka halista ah ee shuban biyoodka.
Xanuunkaan oo ka dhashay saameyntii fatahaadaha ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux, halka shantii maalin ee la soo dhaafay ku dhawaad 100 qof loo dhigay goobaha caafimaadka, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ka sii darto, haddii aan wadajir loogu istaagin sidii lagu joojin lahaa faafidda cudurka, isla-markaana laga jawaabin waxyeellada ilaa hadda ka dhalatay.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin oo ay waftigiisa qeyb ka ahaayeen dhaqaatiir loo qorsheeyay in ay si gaar ah ula tacaalaan dadka cudurku saameeyo ayaa Isbitaalka magaalada gaarsiiyay daawo iyo agab caafimaad, halka uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in xaalad adag ay ka jirto Baraawe loona baahanyahay gurmad degdeg ah oo ballaaran, si nolosha dadka loo badbaadiyo.