Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan howlwadeenno, iyo Lataliyayaal sare oo ka tirsan hay’adda ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Wafdi ballaaran oo ka socday ururka iskaaashiga islaamka OIC oo uu hoggaaminaayay kaaliyaha xoghaya Guud ee arimaha bini’aadminimada, arrimaha bulshada iyo dhaqanka Danjire Tariq Cali Bakhet iyo Madaxa Xafiiska Muqdisho ee Ururka Iskaashiga Danjire Maxamed Bomba Maxamed
Guddoomiye Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay warbixin kooban ka siiyay xaaladda waddanka ee la tacaalidda Abaaraha iyo barakaca ay sababeen isbeddelka Cimilada iyo colaadahu, ayaa ka codsadey ururka islaamka garab istaag iyo taakulo.
Danjire Tariq Cali Bakhet oo ah kaaliyaha xogahaya guud ee arrimaha bini’aadminimada ee ururka iskaashiga islaamka OIC ayaa mujiiyay sida ay ururka uga go’antahay garab istaagga Soomaaliya, isaga oo ballan qaadey taakulo degdeg ah. Waxa uu sidoo kale ururku ballan qaadey sii wadista u qareemidda Soomaaliya iyo joogteynta taakuleynta.