Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlaayo dardargalinta shaqada iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA, kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah.
U jeedka shirkaan ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hayโadda lagu dardargalinayo, iyo daadajinta shaqada hayโadda.
Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hayโadda.
Maalinta 1-aad ee shirkaan ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida ugu wanaagsan ee shaqada hayโadda loo dardargalin karo looguna hagaajin karo howlaha sanadka cusub hayโadda u yaal.