Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan afurin, hambalyo iyo bogaadin isugu jira xarunta dhexe ee Hay’adda ugu sameeyay madaxda iyo howl-wadeennada haweenka ah ee ka howl-gala Hay’adda SoDMA.
Mudane Maxamuud Macallin ayaa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan howl-wadeennada haweenka ah ee SoDMA ka shaqeeya ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka, isagoo si weyn ugu ammaanay kuna boorriyay kaalintooda u adeegidda dadka nugul iyo gudashada guud ahaan waajibaadka qaranka.