Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalim ayaa maanta la kulmay safiirka boqortooyada Sacuudi Carabiya Axmed bin Maxamed Al- muwaladi.
Safiirka ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqeynayaan hay’adda SoDMA, iyagoo kaashanaya hay’adahooda sida xarunta King salmaan ee gargaarka deg degga ah .
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyey safiirka iyo dowladiisaba garab istaagga iyo kaalmada bani’aadanimo ee ay Soomaaliya siiyaan.