Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirka dalka Qatar Soomaaliya u jooga danjire Dr Cabdalla bin Saalim Al- nucaymi.
Guddoomiyaha hay’adda ayaa kala hadlay safiirka sidii dowladda Qatar ay gacan wayn uga gaysan lahayd ka hortagga Duufaanta El-niinada oo laga cabsi qabo inay wax yeeleyso dalka iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda xasilinta ee laga sameynaayo degaannada xoreynta ka socoto.
Safiirka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Qatar, garab istaagga shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqayn doono ha’yadda SoDMA.
Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin ayaa uga mahadcelshay safiirka iyo dowladda Qatar sida ay uga go’an tahay taageerada howlaha hay’adda, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya ugu baahan tahay maalgalinta mashaariicda ka hortagga iyo soo kabashada si ay hoos ugu dhacdo saameynta taban ee Is-beddelka cimilada.