Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa kulan horudhac ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaliya Marwo Amb: Karin Johansson.
Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaan ka wada hadalay arrimaha Dorashooyinka iyo qorshayaasha Guddiga Madaxa-Bnanan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Mudane Abdikariim ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka shaqeynayo in dad-weynaha Soomaliyeed aay fursad u helaan in aay doortaan hogaamiyayaasha Heerarka kala duwan ee maamullada Dalka.