Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Mudane Charles King. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda dalka, isagoo xusay in kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya diiradda lagu saari doono dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah dib loogu celinayo si ay si toos ah ugu soo doortaan madaxdooda.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa Guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa isagoo sheegay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada waddan. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Ingiriisku ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo joogteynta taageerada ay Soomaaliya la garab taagantahay.