Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa hadal kooban ka jeediyay xarunta golaha ayaa dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan Dowladnimada dalka.
Sidoo kale, Ajandaha kulanka ee maanta waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.