Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay golaha malaaqyada dhaqanka ee Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay in kaalintooda odeynimada ah qaataan.
Kulanka odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha ayaa diirada lagu saaray sida wajiga 1-aad ee dib u heshiisiinta looga mira-dhalin lahaa, waxaana odoyaasha dhaqanka loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii madmadow ah ee Ka dhex jira bulshada.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa boggaadiyey doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka, taas oo ah mid soo jireen ah, islamarkaana ah mid laf dhabar u ah isdhexgalka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.