Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in kalfadhiga shanaad uu si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka u xirmayo laga bilaabo 6da December 2024, halka kalfadhiga lixaadna uu dib u furmi doono 6da February 2025.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada sida sharafta leh ee ay waajibaadkooda u guteen intii uu socday kalfadhigii shanaad, isagoo u rajeeyay nabadgelyo iyo caafimaad inta lagu jiro fasaxa.