Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteeย Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Guddoomiyaha ayaaย marxuumka ku tilmaamay in uu kaalin weyn ka soo qaatay geedi socodka dhismaha dowladnimadda dalka. Marxuumka ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo soo noqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xubin kasoo noqday Baarlamaankii 8-aad ee Golaha Sharci dejinta, waxaana uuย Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed uu ka siiyo samir iyo iimaan.