Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaaย ka qeyb galay munaasabadda furitaanka ololaha Soomaaliya cagaaran ee Koonfur Galbeed, kaas oo ah mashruuc uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo qeyb ka ah ololaha dhir beerista ee Soomaaliya cagaaran ayaa maanta waxay geedo ku beereen qeybo ka mid ah xarunta madaxtooyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, barmaajinka dhir beerista waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen), Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.