Baydhabo-(SONNA)-Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulkaasi oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen
Xubno ka tirsan Labada Gole, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa soo dhoweynta ka qeyb qaatay.