Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Midowga Musharraxiinta iyo Golaha Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed,waxaana kulanka looga hadlay dhammeystirka iyo hirgelinta Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.