Nairobi-(SONNA)-Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana si diirran usoo dhoweeyay Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Jabril Ibrahim Cabdulle iyo Masโuuliyiin ka socda dowladda Kenya.
Shir u dhaxeeya Gudoomiyayaasha Baarlamaanka dalalka daladda bulshada bariga Afrika ayaa la filayaa in uu dhawaan ka furmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo ay ka qayb galayaan guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa.
Soomaaliya ayaa kaalin firfircoon kusoo gashay daladda bulshada Bariga Afrika,waxaana shirkaan daba-socda shirar kale oo heer Madaxweyne ah.