Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho halkaasi oo isku dhac uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kooxo halkaasi dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka.
Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, NISA iyo Milatariga Soomaaliya, ayaa waxa uu laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay uga fal-celiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.
Duqa muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka qeybahooda kala duwan in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka, si looga guuleysto kooxaha ku howlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.