SONNA (MUQDISHO)– Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Kulanka wadatashiga ee lagaalanka Muqaadaraadka kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada Hodan.
Ololahaan ayaa si joogta ah uga socda degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir kaas oo lagu doonayo in lagu cirib tiro isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha oo ah mid caqabad ku ah horumarka iyo Xasiloonida Caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yahay mid lagula dagaalamayo jiritaanka bulshada iyo horumarkeeda.