Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xogโhayaha Guud, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka Xamar, Taliyeyaasha qeybta Guud e Boliiska iyo Nabad-Sugidda, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka & Deegaanada Magaalada Muqdisho ayaa loogu hadlay dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee la xariiray barnaamijka ‘Garanwaa’ oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha, Burcada iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.
ย ย ย ย