Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Dhagax dhigay dhismaha xarunta Taariikhiga ah Ex-Baarlamaan oo ku taalla Degmada Boondheere.
Ujeedka Dhagax dhigga ayaa ah mid ay Dowlada hoose ee Xamar ay ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntani si Bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan Taariikhda ay goobtani leedahay, maaddaama xarun u ahayd Barlamaankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee 1960.
Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda.