Muqdisho-(SONNA)-Dowlada hoose Xamar ayaa xarunta Gobolka Banaadir kusoo bandhigtay Gaadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta Canshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaaddiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan qidmadda ku waajibtay.
Nidaamka qaadista Canshuuraha kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadi jaray, waxaana daah-furay ololahaani Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Agaasimaha waaxda Canshuuraha Dowlada hoose Xamar, Ayaan Cabdi Maxamud ayaa faah faahisay ololahaani.
โGaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqligaโ.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim dheere) ayaa tilmaamay in ay la dagaallami doonaan Musuq-Maasuqa.
โBixinta Canshuuraha waxay ka turjumeysaa sax ahaanshaha muwaadinnimada waana waajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, ka maamul ahaan waxaa naga goโan la dagaallanka Musuq-Maasuqaโayuu yiri Ibraahim dheere.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta Canshuuraha si loogu guuleysto hirgelinta mashaariicda ee adeegyada Bulshada.
โWaxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay..