Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ka dhacay fagaaraha Daljirka oo ay isku yimaadeen dad ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere.
ย โWaxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkiiย dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestayโ.
Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dolwada ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay.