Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali oo ah muwaadinad Soomaaliyeed oo 18-jir ah islamarkaana la dhibaatooneysa xanuun ka haleeyay lugta Bidix, kaas oo wadanka gudihiisa wax looga qaban waayay.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markii uu arkay xanuunka daran ee ay la nooshahay dhibane Ramla la murugooday isagoo kaala qaaday xaaladeeda Caafimaad islamarkaana sheegay in loo qaadi doono dalka dibadiisa.
Hooyo Faaduma Cumar Muudeey oo ah hooyada dhashay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) siduu u garab istaagay xaalada Caafimaad ee gabadheyda Ramla.