Balcad-(SONNA)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr; Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kormeeray Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka weyn ee Degmada Balcad.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan xubno ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u kuurgalay baahiyaha kala duwan ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaaladda Balcad.
Xildhibaan, Xasan Maxamed Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Hirshabeelle kana mid ahaa wafdiga guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo hayโadda SOS oo gacan ka geystay hirgelinta Isbitaalka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay doorka isku tashiga ah ee ay ka qaateen bulshada degmada uu isagu matalo ee Balcad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr; Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle inay gacan buuxda ka geysato sidii loo tayayn lahaa Isbitaalka magaalada.
Guddoomiyaha ayaa Xildhibaan Xasan dheere ku ammaanay sida is xilqaanka iyo waddaniyadda leh ee uu ugu howlgalay in ay degmadu yeelato Isbitaal weyn oo lacag la’aan ah isagoo kaashanaya madaxda Hirshabeelle iyo hay’adda SOS, kaas oo daboolay baahiyaha bulshada ku dhaqan magaalada oo ay ugu horreeyaan dadka jilicsan.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ballan qaaday inuu gunnadiisa qeyb ka mid ah u qoondeyn doono taakuleynta Isbitaalka weyn ee degmada Balcad, isagoo ku boorriyay madaxda kale ee Hirshabeelle inay kaalintooda qaataan
โWaxaan ballan qaadayaa bil walba in qaaraan ka goโo gunnadeyda aan kusoo dari doono Isbitaalkaโ