Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo garab istaagga Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Dalka.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Hayโadaha dowladda looga baahan yahay in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha.
โMaanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan hoy laโaanta, qabowga iyo gaajada oo kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadka iyo gacan qabashada dadkeenna ay saameeyeen Fatahaadda.โ
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey abaabulka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen si wax looga qabto waxyeelada ay gaysteen fatahaaduhu, isagoo ku baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda wax ku oolka ah.
Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan gobollada dalka ay da’een Roobab daadad wata, kuwaas oo ka da’ay Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.