Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo maamta kormeer ugu tagay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga.
Guddoomiyaha guddiga mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa guddoomiyaha aqalka sare ku soo dhaweeyey xarunta guddiga, waxaana uu guddoomiyey kulanka maalin laha ah ee guddiga oo looga doodayey dib u eegista qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa guddiga ku bogaadiyey shaqada culus ay hayaan, isagoo kula dardaarmay iney laba jibaaraan shaqada ay Qaranka u hayaan, Isla-markaana bulshada Soomaaliyeed ka sugayaan soo af-jarida dib u eegista dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.