Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ย ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha iyo wafdigaasi la socday,waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku soo dhoweeyay masโuuliyiinta Galmudig iyo hoggaamiyaasha qeybaha bulshada.
U jeedada socdaalka Guddoomiyaha ee dhinaca Galmudug ayaa lala xiriiriyay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug.