Muqdiaho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa ugu horrayn xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, waxa uu xubnaha guddiga joogtada u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka 11-aad.
Dood iyo falanqayn dheer oo xubnaha guddiga joogtadu ay ku sameeyeen qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo bandhigeen ayay ku ansixiyeen dhaqanlgalkiisa.