Dubai (SONNA):- Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qarankaย Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.
Shirkaan inta uu socday waxaa lagu yaboohay dhaqaale badan oo loogu talagalay wax ka qabashada inta aysan dhicin aafooyinka sababi kara khasaaraha madaama ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka ay sida aadka ah u saameeyaan is badalada cimilada ee dunida ka dhaca
Waxaan ka soo qayb galay shirkaan madax ka soctay dalalka taageera ama saaxiibka la ah Soomaaliya sida UK, France, Norway, EU, USA iyo wadamo kale oo danaynayey shirkaan.
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qarankaย Maxamuud Macallim Cabdulle waxa uu ka mid yahay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Imaaraadka u jooga ka qeyb galka shirka isbadalka cimillada adduunka ee CUP28