Nairobi-(SONNA)-Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.
Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.
Shirkaย ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada Amb Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.
Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.
JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare.