Muqdisho.(SONNA):- Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee ay ku sugan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qaboย in la meel-mariyo Shuruucda Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.
Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Cumar Faaruuq ayaa warbixin Guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo xaalada Guud ay ku sugan yihiin Shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Cumar Faaruuq ayaa sharxay hannaanka ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qaabka loo horumarin karo si kor loogu qaado aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqada taasoo ka saacidaysa fulinta hufnaanta iyo tayaynta Shaqada.
Wuxuu ka codsaday guddiga horumarinta adeegga Bulshada ee golaha shacabka in ay meel mariyaanย shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee ee marka lasoo Gaabiyo loo yaqaano ILO.