Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa,kaa uu shir guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga.
.Ajendaha kulan, ayaa ahaa Wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, waxna xubnaha guddiga ka dooday. Qodobada qaar, ee ku jira Hindise-sharciyeedkan ayagoona wax-ka-bedel ku sameeyay Cutubyo kamid ah, Cutub-yada Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda XFS.
Xubanaha guddiga waxa ay shegeen in ay sii wadayaan Akhrinta iyo wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedkan Maadama uu muhiim u yahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
Dhanka kale Guddoomiye Xil.Nadra ayaa sheegtay Inay ka shaqeyn doonaan,Ayna marsiin doonaan. dhamaan Hab-raacyada Hindise-sharciyeedka uu maro, si waafaqsan Dastuurka kmg ah iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS Sida Dhageysiga Dadweynaha Akhrinta 2aad,3aad iyo Ansixintiisuba.