Baydhabo-(SONNA)-Gudoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga oo kulan laqaatay ganacsatada maamul goboleedka koonfur galbeed.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka jira qaar kamid ah degmooyinka koonfur galbeed iyo sidii loo taakuleyn lahaa.
Guud ahaan dalka waxaa ka soconaya dedaallo ku aaddan sidii loo samayn lahaa gudmadyo kala duwan oo u badan isku tashi gudaha ah iyo in la abaabulo dadka wax haysta oo ay ugu horreeyaan ganacsatada.