Nairobi (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka, ku waas oo soo saaray natiijada hannaanka dib-u-eegista 4-aad oo ku salaysan wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF kadib deyn cafinta, waxa uu sidoo kale go’aan kaan muujinayaa marqaatiga dadaalka Dowldda Soomaaliya ee dadaalka dib-u-dhiska iyo horumarinta dakhliga Dowladda.
Sida ku cad warbixinta IMF, waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya waxa ay sii wadday dadaalka waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah xili ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca ku yimid gargaarka dibadda. Sidoo kale markii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay balaariso kharashka ku baxa adeegyada arrimaha bulshada iyada oo la adeegsaneyo dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta qaar ka mid ah gargaarka dibadda oo go’ay.
Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan $40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay waddada saxda ah, iyada oo hirgelinaysa dib-u-habayn muhiim ah oo kor u qaadaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, iyo taageerada kobacintq dhaqaalaha dalka