Muqdisho(SONNA);-Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaana munaasabadda ka qeybgalayo masuuliyiin katirsan dowladda.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xubnaha guddiga oo ka kooban 18-xubin ay iska dhax dooran doonaan guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa si loo billaabo howsha doorashooyinka.qof codka ah ee la filayo in dalka ay ka qabsoonto.
“Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato.”Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed
Dhawaan ayay ahayd markii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ay cod aqlabiyad leh ugu codeyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.