Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha “National Identification and Registration Authority”– NIRA Mudane Abdiwali Cali Abdulle ,waxaana wahalinayay Agaasimayaal iyo khubaro ka tirsan hay’adda NIRA .
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xilldhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), waxaana wahlinayay Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Cabdi (Diyeeshe), iyada oo ay goobjoog ahaa xubnaha Guddiga
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa
Warbixnta waxqabadka Hey’adda NIRA iyo Su’aalo la xiriira waa jibaadka loo igmaday Maareeyahay.
Maareeyaha Hey’adda ”NIRA” Mudane. Abdiwali Cali Abdulle ayaa Guddiga warbixin Guud ka siiyey waxyaabihii u qabsoomay intii ay jirtay hay’adda, asigoona sheegay in ay hadda ku howlanyahiin sidii ay ubalaarin lahaayeen xarumha hay,adda shacabkana ugu fududaato qaadashada kaarka aqoonsiga Dadweynaha.
Xubnaha Guddiga ayaa bogaadiyey Maareeyaha iyo shaqada adag uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guudiga ayaa ugu mahadceliyey Maareeyaha in ay muhim tahay wada shaqeynta, islaxisaabtanka iyo kor- joogteynta Hay,adda iyo Guddiga.