Muqdisho(SONNA)-Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa kulan kula yeeshay xarrunta Villa Hargeysa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Ajendaha kulanka ayaa ahaa katashiga Sharciga Socdaalka oo horyaala Guddiga.
Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadab Jimcaale (Koofi) ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka.
Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale waxa at agaasimaha weydiiyeen su,aalo la xarriiro sharciga Socdaalka dalka.
Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Gudaha iyo amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay agaasimaha hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.
Daarusalaam (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha…
Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…
Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…